Alpha Trust SOM-UK Ltd is a non-profit humanitarian organisation based in London, UK. It was founded in January 2014 by young Somali professionals and business owners in the UK. Alpha Trust operates in all Somali regions in East Africa. We have 5 projects. #WHERE.

– Water-wells
– Health
– Education
– Recreating Jobs
– Emergencies

AIMS – To help Somalis in-need through Somali led initiatives:
– To build community-owned water projects.
– To provide medicine and necessary hospital equipments.
– Quality education for local children and building local schools.
– To help people become financially self-sufficient – (Income sources).
– Responding to draughts, famine, natural disasters and man-made crisis

WAA MAXAY ALPHA TRUST?
Alpha Trust waa urur samafal ah oo la aas-aasay 14kii bishii January sanadkii 2014kii, laguna dhisay magaalada London ee dalka UK. Waxaa ururka Alpha Trust dhisay dad Soomaaliyeed oo ku mideysan inay garab istaagaan dadka danyarta ah ee Soomaaliyeed.

Wuxuu ururku ka howl-gallaa dhammaan dhulka Soomaaliyeed ee Bariga Afrika. Waa urur xuduud la’aan ah, kana madax-bannaan siyaasadda ka jirta Dhulkii Hooyo.

MUXUU KA SHAQEEYAA URURKA ALPHA TRUST?

1- Water: Barnaamijka qodista ceelal biyo si loo beerto beeraha, loogana hortago abaaraha ba’an ee mar walba saameeya guud ahaan dhulka Soomaaliyeed ee Bariga Qaaradda Afrika.

2- Health: Fullinta barnaamijyo caafimaad sida daweynta bukaan-jiifka iyo barnaamijka Indha-fiiqista ama indha jeexista ee aragga indhaha.

3- Education: Hirgallinta barnaamijyo wax-barasho ah sida dib u dhiska Iskuulada iyo bixinta dhaqaalaha ardayda aan awoodin lacagaha waxbarashadooda.

4- Re-creating Jobs: Barnaamijka dib-u-abuurista shaqooyinka iyo garab istaagga shakhsiyaadka naafadda ah iyo qoysaska danyarta ah ee u baahan in shaqooyin loo abuuro.

5- Emergencies: Barnaamijka Gurmadka deg-dega ah sida fatahaadaha wabiyada, daadadka ay roobabku keenaan, dabeylaha, qaraxyada, abaaraha, dhibaatoyinka dabka iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee saameynta ku yeelan kara dadka Soomaaliyeed. HOWLGALADA: Ururka Samafalka Alpha Trust waa urur howl-galla 12ka bil ee sanad walba, kana howl-galla guud ahaan dhulka Soomaaliyeed ee Bariga iyo Geeska Afrika. Wuxuu ururku qabtaa barnaamijyo samafal ah oo laga qabto guud ahaan DHULKII HOOYO

HOWLGALADA: Ururka Samafalka Alpha Trust waa urur howl-galla 12ka bil ee sanad walba, kana howl-galla guud ahaan dhulka Soomaaliyeed ee Bariga iyo Geeska Afrika. Wuxuu ururku qabtaa barnaamijyo samafal ah oo laga qabto guud ahaan DHULKII HOOYO

SIDEE LOO ARRUURIYAA DHAQAALAHA:
1- Annual Membership.
2- Business Sponsorships.
3- Community Conferences.
4- Donations through Boxes.
5- Electronic & Online Donations.

XARUMAHA WADAMADA URURKA ALPHA TRUST:
1- Australia
2- Belgium
3- Canada
4- Denmark
5- Finland
6- France
7- Great Britain & Northern Ireland
8- Netherlands
9- Norway
10- Sweden
11- Switzerland
12- United States of America

MAXAY TAHAY (3da) ARRIN EE LAGA CODSADO XUBNAHA URURKA ALPHA TRUST?
1- Bixinta Dhaqaalaha $100 ee sanadlaha ah. Waxa aaad dhaqaalaha sadaqada u dhiibeysaa Wakiilka (Ambassador-ka) Alpha Trust ee matala dalka aad ku nooshahay.

2- Ka qeyb qaadashada arrimaha Gurmadka Deg-degga ah. Waxaan mar walba kaa codsaneynaa inaan kaa helno taageero buuxda oo leh xoog, xoolo iyo waliba xeelad.

3- Fadlan baahi Howlaha & Wax-qabadka ururka Samafalka ee Alpha Trust oo la wadaag asxaabtaada Baraha Bulshada. Booqo. Web: www.alphatrust.uk Insha’Allah